7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 4 , 2023
Kobaca dhaqaalaha Soomaaliya oo hoos u dhacay 0.8% sanadkan 2023
 

Isniin, December, 4, 2023 (HOL) - Bangiga Adduunka ayaa sheegay in kobaca dhaqaalaha Soomaaliya uu ku yimid hoos u dhaca dhan 0.8%, sida lagu ogaaday dib u eegis lagu sameeyay kobaca dhaqaalaha Soomaaliya ee sanadkan 2023.

Warbixinta kasoo baxday Bangiga adduunka ayaa lagu sheegay, in sanadkan kobaca dhaqaalaha Soomaaliya uu marayo ilaa 2.8 boqolkiiba. Halka sanadkii hore uu ahaa 3.6 boqolkiiba.

Bankigu wuxuu cadadkiisii ugu dambeeyay ee dhaqaalaha Soomaaliya ku sheegay, in dalku weli u nugul yahay ku tiirsanaanta xad dhaafka ah ee ganacsiga iyo maalgelinta dibadda, kala duwanaanshaha dhaqaalaha oo xaddidan, iyo u nuglaanshaha masiibooyinka dabiiciga ah.

Xaaladaha la xidhiidha abaaraha, daadadka, cayayaanka Ayaxa, qiimaha badeecadaha caalamiga ah oo sarreeya, iyo sidoo kale kor u kaca nabadgelyo-darrada iyo colaadaha, ayaa sabab u ah hoos u dhaca kobaca dhaqaalaha dalka, sida uu bangigu sheegay

Balse, Bangiga adduunku wuxuu sheegay in hoos u dhacaan uusan saamaynaynin, balanqaadkii ahaa in dowladda Soomaaliya ay sii waddo dib-u-habeynta si loo xoojiyo hay'adaha dhaqaalaha ee muhiimka ah iyo kor u qaadista xasilloonida iyo soo kabashada dhaqaalaha dalka.

Bankigu wuxuu qiray horumarka joogtada ah ee Soomaaliya ee ku aaddan buuxinta shuruudaha lagu gaarayo dhibcaha Dhameystirka dayn cafinta oo la filayo in go’aan laga gaaro bishaan Diseembar 2023.