7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 4 , 2023
Hoggaamiyaha ciidanka difaaca dadweynaha oo ka hadlay howlgaladii ka dhacay gobolka Hiiraan
 

Isniin, December, 4, 2023 (HOL) - Hoggoomiyaha ciidamada difaaca dadweynaha ahna madaxweynaha maamulka la baxay Hiiraan State Cali Cismaan ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgalo culus oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay qeyba ka mid ah gobolka Hiiraan.

Hoggaamiye Cali Jeyte ayaa sheegay in howlgaladii Shalay dhacay lagu xureeyay deegaano badan oo ku yaala jiinka wabiga Shabeelle oo maalmahii lasoo dhaafay abaabul ka wadeen kooxda Al-shabaab.

“Dhowr cisho ayaan keyntaan ku jirnay oo isku diyaareynay baacsiga cadowga, shalay ilaa maanta ayaan ku jirnay howgalka ugu culus oo dhinacyo kala duwan ay iska kaashadeen, si gaar ah ciidanka Macawiisley oo duruuf adag ku shaqeynaya, Cadowga uma suurtagelin inay iska kaana difaacaan oo weli ciidankii ayaa sii baacsanaya waa daciif Shabaabku, ma dagaalamaan ee markii ciidanka ay u jeedi waayaan waxay gowracaan dadka masaakiinta ah ee aan iska celi karin” ayuu yiri Hoggaamiye Cali Jeyte Cismaan.

Wuxuu sidoo kale sheegay isagoo fagaare ku yaala degmada Halgan kula hadlaayay dadweyne farabadan in loo baahan yahay qof walba oo shacab ah inuu ku dhiirado iska dhicinta kooxda Al-shabaab,

Cali Jeyte ayaa markii sadaxaad ku celiyay digniintiisii aheyd in dadka shacabka ah isaga soo tagaan meelaha ay joogaan Al-shabaab.

“Hadhow war ayaad sheegi doontaan, war hooy ka fogaada Shabaab, idinka iyo xoolihiina waa idin gubi doonaa, markii ay gacanteenu idin soo gaarto ha qeylina ee hada kasii fogaada meelaha Shabaab joogaan” ayuu yiri Hoggaamiye Jeyte.

Si kastaba ha ahaate howlgalada ka dhacay Shalay deegaanada hoostaga degmada Halgan ee gobolka Hiiraan waxay dowladda fedaraalka sheegtay in lagu dilay in ka badan 60 ka mid ah Al-shabaab, islamarkaana lagu burburiyay gaadiid dagaal iyo fariisimo kooxdu laheyd.