7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 4 , 2023
Mid kamid ah ganacsatada kasoo jeeda Koonfur Galbeed oo lagu dilay magaalada Boosaaso

Isniin, December, 4, 2023 (HOL) - Dabley hubaysan ayaa saakay salaaddii subax kadib magaalada Boosaaso ku dilay Ibraahim C/raxmaan Cabdi, oo kamid ahaa ganacsatada caanka ah ee kasoo jeeda deeganada Koonfur Galbeed.

Ibraahim oo ahaa madax u ahaa bulshada kasoo jeeda deeganada Koonfur Galbeed ee ku sugan Gobolka Bari, ayaa la dilay waxyar kadib markii uu kasoo baxay masaajid uu ku tukaday salaadda subax.

Lama oga cidda ka dambeysa dilkiisa. Maalmo ka hor ayaa sidoo kale Boosaaso lagu dilay Khadar Cabdi Cali oo ahaa nin dhallinyaro ah oo isku xire u ahaa bulshada kasoo jeeda degaanada Soomaali Galbeed.

Nin ku hubaysan bistoolad ayaa gurigiisa ugu tagay, kadibna ku dilay. Falka lagu dilay waxaa ku dhaawacmay wiil uu dhalay.

Hay’adaha amniga ee Puntland weli wax faahfaahin ah kama bixin dilalka ka dhacaya magaalada Boosaaso.

Dilalkan ayaa kusoo aadaya iyadoo magaalada Boosaso ay horey uga dhacayeen falal la xiriira beegsiga xarumaha ganacsiga.

Madaxweyne Deni oo habeen hore ka hadlayay magaalada Garowe, wuxuu sheegay, ammaanka Puntland inuu joogo meeshii ugu fiicnayd xilligan.

Deni marna kama hadal dhacdooyinka amni darro ee ka socday magaalada Boosaaso.