7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 27, 2023
Musharraxiinta Puntland oo kalsoonidii kala laabtay guddiga ansixinta xubnaha baarlamaanka

Arbaco, December, 27, 2023 (HOL) - Musharraxiinta madaxtinimada Puntland ayaa ku dhawaaqay inay kalsoonidii kala laabteen guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta xubnaha baarlamaanka, ka dib markii ay ku eedeeyeen in ay madaxweyne Deni kala shaqeynayaan inuu boobo kuraasta baarlamaanka.

15 musharrax oo ku midaysan bayaan ay soo saareen ayaa waxay ku sheegeen, in cawaaqib xumada ka dhaalata boobka kuraasta baarlamaanka, ay qaadi doonaan guddiga xallinta khilaafaadka iyo madaxweyne Deni.

Musharraxiintu waxay sheegeen in madaxweyne Deni uu bilaabay inuu suuqa ka qorto xildhibaanada SSC- Khaatumo, islamarkaana ay guddiga xallinta khilaafaadku u meel mariyeen.

Si looga hortagga boobka kuraasta SSC, Waxay sheegeen in doorashada lagu galo 49 xildhibaan, maaddaama ay sheegeen in madaxweyne Deni uu diiday in heshiis siyaasadeed laga gaaro habka ay ku imaanayaan 17-ka xildhibaaan ee SSC- Khaatumo.