7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 27, 2023
Ciidamada amaanka oo gacanta kusoo dhigay Shirkado Bajaajleeyda Muqdisho ka qaadayay lacago sharci daro ah
 

Arbaco, December, 27, 2023 (HOL) - Maamulka gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in gacanta lagu soo dhigay rag madax ka ahaa Shirkado la sheegay in lacago sharci daro ah ay ka qaadayeen Darwalada Mooto Bajaajta ee ka dhex shaqeysta gudaha magaalada Muqdisho.

Ragaan oo ay gacanta kusoo dhigeen ciidamada amaanka ayaa maalmahii lasoo dhaafay Mooto Bajaajleyda Muqdisho ka qaadayay lacag dhan 27 doolar oo ay ku sheegeen in lagu hubinayo badqabka Mootada, taasoo maamulka gobolka uu sheegay iney waxba ka jirin.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Salax Carab ayaa warbaahinta u sheegay in ragaan lasoo qabtay lala tiigsan doono cadaalada, islamarkaana la horkeeni doono shaciga.

"Waxaa jiray cabashooyin ka imaanayay Bajaajlayda Muqdisho kaas oo ku aadanaa in laga qaaday lacag ka baxsan lacagihii ku waajibay ee sharciga ahaa, Lacagahaas oo loogu sheegay in ay tahay Badqabka Mootooyinka oo dhan $27, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar waxa uu caddaynayaa in wax shaqo ah uusan ku lahayn Lacagahaasi la qaadayay Mootooyinka Bajaajta ah ee ka howlgalla Gobolkaan” ayuu yiri Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Carab.

Afhayeenka ayaa sidoo xusay in maamulka gobolka uusan raali ka aheyn in lacago sharci daro ah oo ka baxsan mida ay horay u dhiibi jireen Bajaajleyda in laga qaado.

Talaabadaan uu qaaday maamulka gobolka Banaadir ayaa timid kadib markii Bajaajleyda Muqdisho intooda badan ay si adag uga hor yimaadeen una diideen qorshaha cusub ee lagu doonayay in lacagta looga cuno, kuwaas oo ugu baaqay guddoomiyaha gobolka inuu arintan wax ka qabto.