7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 27, 2023
Somaliland oo amaro kusoo rogtay muuqbaahiyaha Universal Tv
 

Arbaco, December, 26, 2023 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa muuqbaahiyaha Universal Tv ku amartay in uu joojiyo doodo uu qaban jiray oo ay sheegtay in ay lidi ku yihiin anshaxa suuban.

Amar kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta ayaa lagu sheegay in muuqbaahiyahan laga mamnuucay doodo uu in mudo ahba qabanayay, kuwaasi oo ku sal lahaa arrimaha qoyska, kuwaasi oo bulshadu ay fikrado kala duwan ka qabeen waxtarkooda iyo waxyeeladooda.

Hadaba, Universal TV ayaa dhawaan qabtay dood ku sal leh qabiil iyo qoomiyado, isaga oo baahiyay dood lagu falanqaynayay qaybo kamid ah qabiilada Soomaaliyeed iyo qoomiyada Oromada, taasi oo ay xukuumadu ku tilmaantay wax anshaxa ka baxsan.

Hoos ka akhriso amarada ay xukuumadu kusoo rogtay muuqbaahiyaha Universal Tv :-