7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 27, 2023
Madaxweynaha SSC- Khaatumo oo sharuudo ku xiray siidaynta maxaabiista ciidamada Somaliland
 

Arbaco, December, 27, 2023 (HOL) - Madaxweynaha maamulka SSC- Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Firdhiye ayaa sharuudo ku xiray siidaynta maxabiista ciidamada Somaliland ee lagu qabtay dagaaladii ka dhacay gobolka Sool.

Madaxweynaha SSC- Khaatumo wuxuu sheegay,  siidaynta maxaabiista Somaliland  in ay ku imaan karto marka la gaaro heshiis nabadeed oo buuxa, islamarkaana maamulka Soomaliland uu joojiyo sida uu sheegay daandaansiga uu ku doonayo inuu kusoo duulo degaannada SSC.

“Inta Muuse uu leeyahay waan soo dagaalamayaa, waan is dilaynaa, maxaabiis baan kaa qabsanayaa, adiguna iga qabso, siidayntu wax dhan dhan ah sameyn mayso,” ayuu yiri madaxweyne Firdhiye.

Madaxweyne Firdhiye ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan qiyaastii 292 maxbuus ah, kuwaas oo uu sheegay inay ku xiran yihiin labo xabsi oo kuyaala magaalada Laascaanood, halkaasna ay ku haystaan daryeel joogto ah sida uu sheegay nadaxweynuhu.

Wuxuu sheegay in hal maxbuus oo kamid ah maxaabiista uu u geeriyooday dhaawacii soo gaaray, halka labo kaloo qabay dhaawacyo culus lagu wareejiyay qoysaskooda iyadoo loo marayo hay’adda ICRC.