7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 27, 2023
Ciidamo ka gadoodsan mushaar la'aan oo xirtay waddada gasha madaxtooyada Puntland
 

Arbaco, December, 27, 2023 (HOL) - Ciidamo katirsan kuwa madaxtooyada Puntland oo ka cabanaya mushaar la’aan baahsan ayaa isbaaro dhigtay waddada laamiga ee gasha madaxtooyada iyo wasaaradaha ee magaalada Garowe.

Ciidamadan oo ku hubaysan gaadiidka dagaalka ayaa u diiday gaadiidka dadweynaha iyo kuwa maamulka inay isticmaalaan waddadan, oo ah waddo aad u mashquulsan oo ay ku yaallaan xarumo dowladeed iyo hotelo waawayn.

Ciidamadan ayaa sheegay inay muddo dhowr bilood ah yihiin mushaar la’aan, iyagoo sheegay madaxweyne Deni inuu mushaarkooda u isticmaalayo ololaha doorashada, waxayna sheegeen in aysan arrintaas u dulqaadanayn.

Saraakiil katirsan ciidamada ayaa ku howlan in ciidamada iyo saraakiisha gadoodsan lagu qanciyo inay furaan waddada ay xirteen, wallow ay ku gacan sayreen markii hore saraakiil madaxtooyada ka socotay oo isku dayday inay ku qanciyaan in la xallinayo cabashadooda.

Dhacdadan ayaa kusoo aaday, iyadoo maalmo ka hor ay ciidamo maleyshiyaad ah u diideen inay garoonka Garowe kasoo degto diyaaradda Qaadka keenta. Waxayna ka cabanayeen in maamulku cid gaar ah u xiray soo dajinta qaadka ka yimaada dalka Kenya.

Arrimahan oo idil ayaa kusoo beegmaa, iyadoo madaxweyne Deni uu habeen dambe ku dhawaaqayo inuu mar labaad u sharraxan yahay xilka madaxweynaha Puntland, xilli lagu dhaliilayo in uu ku fashilmay bixinta mushaaraadka shaqaalaha dowliga ah iyo ciidamada, kuwaas oo aan dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay wax xuquuq ah helin, sida aan kasoo xiganay xubno iyaga katirsan.