7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 27, 2023
Turkiga oo ballanqaaday in wiilka madaxweynaha Soomaaliya uu caddaaladda hor imaan doono
 

Arbaco, December, 27, 2023 (HOL) - Wasiirka Caddaaladda dalka Turkiga Yılmaz Tunç, ayaa  xaqiijiyay in Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya uu dhawaan imaan doona dalka Turkiga si uu u wajaho maxkamadaynta shil baabuur oo ka dhacay Istanbul oo uu ku dhintay nin Turki ah.

Emre Göçer, ayaa u geeriyooday hal toddobaad kadib markii uu si xun ugu dhaawacmay shilka uu masuul ka ahaa wiilka madaxweynaha Soomaaliya, kaasoo maalmo ka dib shilka u baxsaday dalka Imaaraatka Carabta.

Tunc ayaa saxaafadda u sheegay mar uu ka hadlayay munaasabad ka dhacday caasimadda Ankara in maxkamad la soo taagi doono Maxamed Xasan Sheikh Maxamuud.

Isagoo tixraacaya dhaleeceynta baraha bulshada ee ah in xuquuqda Göcer  lagu tuntay," ayuu yiri wasiirku, “Sharciga ayaa ilaalin doona xuquuqda muwaadiniinteena. Go'aamada lagama maarmaanka ah ayaa raaci doonnaa. Maxamed isna wuxuu ka iman doonaa dibadda si uu maxkamadda u horyimaado. “

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan sheegay in wiilkiisa oo 40 jir ah uusan ka cararin Turkiga. Wuxuu sheegay inuu kula taliyay in uu soo noqdo oo uu isa soo taago maxkamada.