7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 26, 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo siyaasiyiinta Mucaaradka ah oo kulan ku wada qaatay Muqdisho
 

Talaado, December, 26, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ayaa laga helaya kulan saacado badan qaatay oo dhexmaray madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Madaxweynaha iyo siyaasiyiintaan oo qaarkood xilal sare horay uga soo qabtay dowladda ayaa la sheegay iney ka wada hadleen arrimo badan oo la xariira xaalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arinta wax ka badalka Dastuurka dalka.

Xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka ee kulanka ka qaybgalay waxaa ka mid aha madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Raysal Wasaare hore Xasan Cali Khayre, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, iyo Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble.

Waxyaabaha labada dhinac ay ka wada hadleen waxaa ugu muhiim sanaa In la soo dhamaystiro xubnaha madasha wadatashiga qaran oo go’aanadeedu wadar ogolka yihiin, taasoo ka dhigan in Puntland lagu soo qanciyo geeddi socdka qabyo tirka dastuurka dalka.

Labada dhinac ayaa sidoo kale isku raacay in wax ka badalka dastuurka loo maro hannaanka uu qorayo cutudbka 15-aad ee dastuurka KMG ah.

Wararka hordhaca ah ee laga helay kulanka ayaa sheegaya in isfaham hordhac ah ay ka gaareen labada dhinac waxyaabahii ay ka wada hadleen, inkastoo uusan jirin war rasmi ah oo kasoo baxay kulanka.

Gabagabadii labada dhinac ayaa sidoo kale la tilmaamay iney isla meel dhigeen in la magacaabo 10 Xildhibaan oo ka kala imaanaya dhinaca Madaxweynaha, dhinca mucaaradkana min shan Xildhibaan si ay doodo dheeraad ah uga yeeshaan.