7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 26, 2023
Buundooyinka Baledweyne iyo Buulaburte oo dayactir lagu sameeyay iyo tan Jalalaqsi oo laga cabsi qabo iney go'do

Talaado, December, 26, 2023 (HOL) - Dadka ku dhaqan magaalooyinka Baledweyne, Buulaburte iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa bilaabay iney si isxilqaan ah ku dayactiraan goobaha ay sida weyn u waxyeeleysay fatahaadii wabiga Shabeelle uu dhawaan ka geystay magaalooyinkaas.

Goobaha ugu daran ee fatahaadii waxyeeleysay ayaa waxaa ka mid Buundooyinka ku yaala sadaxdaan magaalo iyo wadooyinka waa weyn.

Goobaha dayactirka helay ayaa waxaa ka mid ah Buundooyinka Nuur Xawaad iyo Buundaweyn oo ku yaala Baledweyne iyo Buunadada degmada Buulaburte, iyadoo buunadada degmada Jalalaqsi aysan wali helin dayactir taasoo laga cabsi qabo iney go'do.

Buunadada loo yaqaano Buundaweyn oo ah Buundo istaraatiiji u ah isku socodka xaafadaha Baledweyne ayaa dhalinyaro is xilqaamtay ku sameeyeen dayactir sababay in Buunadada mudo 24 saacadood ah aysan  isticmaalin wax gaadiid ah.

Ururka Dhalinyarada iyo horumarinta Baledweyne ee Isxilqaam ayaa lahaa abaabulka in dayactir lagu sameeyo Buundada loo yaqaano Buundaweyn oo biyahii fatahaadu saameyeen dhismaheeda.

"Anaga waxaa nahay dhalinyaro ku shaqeysa si mutadawacnimo ah oo isku xilqaamtay iney ka shaqeeyaan horumarka magaalada, waxaan aragnay in Buundada ay dayacned oo biyahii burburiyeen dhismaheda shubkii hore banaanka yimid hadii sidaas lagu sii fiirsan lahaayna ay gabigeed burburi laheyd, narka wan adkeeynay shub cusub ayaan galinay oo hada cabsideeda way naga hartay" ayuu yiri Daadir Xaaji Cali oo ah guddoomiyaha dhalinyarada Isxilqaam Baledweyne.

Buundadad degmada Buulaburte ayaa ka mid ah meelaha fatahaadii waxyeelaysay waxaana dayactir ku sameeyay Buundadaas oo isku xirta gobolada Waqooyi iyo kuwa Koonfureed ee dalka qeybaha kala duwan ee shacabka ku dhaqan degmadaas oo isku xilqaamay iney hagaajistaan Buundada oo dhaawac u culus horay uga soo gaaray qarax Ismiidaamin ahaa oo kooxda Al-shabaab ay ku dooneysay iney ku burburiso Buunadada sanadkii lasoo dhaafay ee 2022.