7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 26, 2023
Raysal wasaaraha Israa'iil oo ku hanjabay iney sii xoojinayaan dagaalka ka dhanka ah Xamaas

Talaado, December, 26, 2023 (HOL) - Raysal wasaaraha dalka Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa si cad u sheegay in maamulkiisa uu sii xoojin doono dagaalka ay kula jiraan Ururka Xamaas ee ka socda marinka Gaza.

Benjamin Netanyahu oo booqasho aan lasii shaacin ku tagay qeybo ka mid ah dhulka Gaza ay kaga sugan yihiin ciidamadiisa ayaa ku hanjabay inuu burburin doono Ururka Xamaas.

“Ma joogsan doono dagaalka, waana sii wadaynaa, waxaana maalmaha soo socda xoojin doonnaa dagaalka, wuxuuna noqon doonaa mid dheer, Marka ma dhawa dagaalka.” ayuu yiri Raysal Wasaaraha Israa'iil Netanyahu.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Israa'iil ay ka go'an tahay iney xoog kusoo furato maxaabiista ay gacanta ku hayaan Ururka Xamaas ee dagaalka culus kula jira ciidamada Israa'iiliyiinta.

Hadalkaan kasoo yeeray Raysal wasaare Netanyahu ayaa la xariira in ciidamada Israa'iil ay balaarin doonaan duqaymaha aan loo meel dayan oo ay dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay ka wadaan Marinka Gaza.

Dagaalka u dhaxeysa Israa'iil iyo Xamaas waxaa ku dhintay inta la xaqiijiyay dad gaaraya 20,674 qof oo u badan haween iyo carruur, sida ay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka Gaza, waxaana sidoo kale ku barakacay dad gaaraya  1.9 milyan oo qof.