7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 26, 2023
Walaac laga muujinayo xaaladda badmaaxiyiin ku jira gacanta kooxaha burcad badeedda Soomaalida

Talaado, December, 26, 2023 (HOL) - Qoysaska bad maaxiyiin la socday Markab ganacsi oo ay bishaan december afduubteen kooxaha burcad badeedda Soomaalida, ayaa walaac ka muujinaya xaaladda nololeeed ee wiilashooda.

Sarkaal ka tirsan ururka badmaaxiinta Myanmar oo magacooda loosoo gaabiyo MSF, ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay in wali qoysaska la haystayaasha aysan u suurtagelin in ay xiriir la sameeyaan kooxaha burcad badeedda ee haysata markabka Ruen.

Waxa ay ku warameen in qoysaskaasi ay soo wajahday xaalad walaac ah, maadaama aysan xaqiijin karin xaaladda markabka dushiisa.

Shaqaalaha markabka ayaa u kala dhashay dalalka Bulgaria iyo Myanmar. Mid ka mid ah shaqaalaha markabka ayay ciidamada badda Hindiya ka dajiyeen markabka si looga daweeyo dhaawac ay burcad badeeddu u geysteen, iyadoo ay jireen warar sheegayay in kooxda afduubka geysatay ay taleefoono siin doonaan shaqaalaha markabka si ay ula xiriiraan qoysaskooda.

Hay’adda la socodka amniga badaaha ee UK, UKMTO waxay waydiisatay maraakiibta inay soo sheegaan dhaqdhaqaaqyada laga shakiyo gaar ahaan walaaca laga qabo in budhcad-badeeddu ay markabkan yar u isticmaalaan saldhig.