7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 25, 2023
Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil iyo salaadiin kale oo beeniyay in ay xildhibaano u dirsadeen Puntland

Isniin, December, 25, 2023 (HOL) - Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil iyo salaadiin kale oo beeshiisa ah, ayaa beeniya in ay xildhibaano u dirsadeen Puntland.

Garaadka iyo salaadiinta kale ayaa beeniyay warar sheegaya in ay saxeexyo siiyeen siyaasiyiin doonaya in ay qayb ka noqdaan doorashada baarlamaanka ee Puntland.

"Waxaanu caddaynayna, waxba kama jiraan, nin Jaamacad Siyaad ah oo aanu soo dirnay ma jiro, Dhulbahantana nin uu soo diray ma jiro, sidaa ha loo ogaado, kaa shaambada ku dhuftay ee magiciisu soo bixi doonana waa in aynu isku talaab saarnaa" ayuu yidhi Garaad Jaamac.

Garaadada SSC Khaatumo ayaa kadib shir ay ku yeesheen magaalada Laascaanood Sabtidii go'aan buuxa kaga gaadhay ka qaybgalka doorashada Puntland, iyaga oo sheegay in siyaasiyiinta deegaankoodu anay wax xil ah u doonan karin Garoowe.

Go'aanka garaadada ayaa soo baxay kadib markii dadwayne cadhaysan oo diidan wax la qaybsiga Puntland ay kusoo xoomeen guri ay isimada dhaqanku ku shirayeen.

Hadaba sida ka muuqata hadalka Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, waxa jira saxeexyo xildhibaano lagu doonayo oo la geeyay Garoowe kuwaasi oo uu garaadku sheegay in la ogaan doono cida ka danbaysa.