7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 25, 2023
Ciidamada amniga ee Dowlad degaanka Soomaalida oo qabtay hub larabay in la galiyo magaalada Jigjiga

Isniin, December, 25, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya Dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in Ciidamada degaanka Soomaalida gaar ahaan qaybta ku qoran rugta baadhista ee magaalo Qaran ay qabteen Baastoolado iyo Rasaastoodii oo la rabay in lasoo galiyo magaalada Jigjiga ee Dowlad degaanka Soomaalida.

Hubkan la qabtay oo ka koobnaa 5 Bastooladood iyo 200 oo rasaas ah ayaa la sheegay in lagu soo dhex qariyay kuraasta Bas yar oo ay lahayd Shirkad lagu magacaabo Bader oo ka shaqeysa adeegga socdaalka dadweynaha ee guud ahaan degaanka Soomaakida, waxayna ilo xogagaal ahi sheegayaan in sidoo kale gacanta lagu dhigay dadkii iyagu watay Baastooladahan iyo Rasaastaba, isla markaana la xanibay Baskii lagu soo qariyay hubkan.

Faahfaahin dheeri ah wali lama helin sidoo kale Xukuumadda degaankuna wali kamaysan hadlin hubkan la qabtay, sidoo kale Shirkaddii lahayd Baska lagu qabtay hubkana wali wax hadal ah kama soo bixin.

Ma aha markii u horreysay ee Ciidamada amniga degaanka Soomaalidu ay qabtaan hub lasoo galin rabay degaanka, waxaana marar kala duwan lagu qabtay isla magaaladan la yiraahdo magaalo Qaran hub kala duwan oo u badan hubka fudud sida Baastoolado iyo waxyaabo lamid ah, inkastoo dhinaca kale markii u horreysay ay noqonayso oo Bas ay leedahay Shirkaddan Bader lagu qabto hub.

Magaalo Qaran ayaa ah magaalo ku taal inta u dhaxaysa Wajaale iyo Jigjiga waana magaalo uu ku yaal bar kantarool oo aad loogu baadho gaadiidka iyo dadkaba, waxaana jooga Ciidamada degaanka Soomaalida.

Maalmihii u dambeeyay waxaa soo badanayay iskudayo badan oo la rabay in lagu khalkhal galiyo amniga Dowlad degaanka Soomaalida, inkastoo Xukuumadda degaanka Soomaalida iyo Dowladda Itoobiya ay sheegeen inay fashiliyeen iskudayadaas, haddana tan maanta waxay kusoo aadaysaa iyadoo maalmo ka hor ay Dowladda Itoobiya sheegtay inay qabteen hub badan iyo dadkii watayba.