7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 25, 2023
Booliiska gobolka Banaadir oo beeniyay in Muqdisho laga macnuucay Cimaamadaha iyo Indha shareerka
 

Isniin, December, 25, 2023 (HOL) - Taliyaha ciidanka Booliiska gobolka Banaadir Mahdi Cumar Muumin ayaa sheegay inuusan jirin amar kasoo baxay hay'addaha amniga oo lagu mamnuucay isticmaalka Cimaamadaha, Koofiyadaha, Maskiga af xirashada iyo indha shareerka.

War qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu Taliyaha Booliiska gobolka Banaadir ku sheegay in dacaayad ay tahay  wararka sheegaya in la macnuucay astaamaha Diimeed, sida Calaamadaha, Indha shareerka iyo kuwa dhaqanka bulshada.

“Majiro go’aan Amni oo lagu mamnuucayo ama wax lagu yeelayo calaamadaha Dimeed iyo kuwa dhagan ee Bulshada Soomaaliyeed. Waa dacaayad cadawgu ka danbeeyo wararka la xiriira arintaas waana in aan lagu kadsoomin. Ciidanka Amnigu waxa ay u taagan yihiin ilaalinta Diinta” ayuu yiri Taliye Mahdi Cumar Muumin.

Taliyaha ayaa sidoo kale ka dalbaday shacabka reer Muqdisho iney Taliska kusoo wargaliyaan hadii ay la kulmaan tacadiyo la xariira amar aanan kasoo bixin laamaha amaanka.

Warkaan kasoo baxay Taliyaha Booliiska gobolka Banaadir ayaa imaanaya, iyadoo saacadahii lasoo dhaafay qaar ka mid ah wadooyinka magaalada Muqdisho lagu arkayay ciidamada oo qaadaya talaabooyin ka dhan dadka wata cimaamadaha, koofiyadaha iyo indho shareerka.

Warbaahinta gudaha magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale soo bandhigtay muqaalka dadweyne ka cabanaya arrinkaas, waxaana mid ka mid ah odayaasha ku dhaqan Muqdisho oo arinkaas ka hadlay uu sheegay inay soo dhaweynayaan in la baaro, hayeeshee uusan raali ka aheyn in laga qaado cimaamada uu xiran yahay.

“Sababta aan go’aankan u diidaayo waxaa waayey cimaamada ninka odeyga ah waa sharaftiisa, waa qiimahiisa cimaamad la’aan nin waayeel ah kuma fiicno" ayuu yiri mid ka mid ah Odayaasha Muqdisho.

Ugu dambeyntii arintaan uu beeniyay Taliyaha Booliiska Banaadir ayaa noqotay mid si weyn looga hadal haayay sacaadahii lasoo dhaafay gudaha magaalada Muqdisho.