7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 25, 2023
Madaxweynaha Somaliland oo ganacsatada la yeeshay kulan lagaga tashanayo xiisadaha amaan daro ee Badda Cas

Isniin, December, 25, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa xalay ganacsatada la yeeshay kulan lagaga wada hadlayay sidii wada-jir loogaga tashan lahaa duruufaha kusoo kordhay isu socodkii ganacsigii Badda Cas.

Kulankan oo ka qabsoomay qasriga madaxtooyada, ayaa diiradda lagu saaray sidii  looga dabbaalan lahaa saamaynta dhaqaale ee ka dhalatay duruufaha kusoo kordhay ganacsigii isaga kala gooshi jirey marinka Badda Cas, ayaa lagu sheegay warxsaxaafadeed kulanka kasoo baxday.

"Maanta ninka la dhagaysanayaa waa ninka xoolaha haya, waxaanu idiinku yeedhnay arrinta aad nooga faro dhuudhuubantihiin oo u badan dhaqaalaha, in aad dareenkiina na siisaan, tiina si fiican ayaynu u sharaxnoo intaa aad tidhaahdeen waa inoo guddoon, wayna inoo taalaa" Madaxweyne Biixi ayaa sida yidhi.

Xubno kamid ah ganacstadii madasha ku sugnayd oo ay ka mid yihiin Mudane Yuusuf Ducaale Barre, Mudane Cali Cumar Guuleed, Mudane Maxamed Cabdilaahi  Mire, Mudane Maxamed Cali Xasan, Mudane Ismaaciil Cabdi Xasan,  Maxamed Shugri Jaamac iyo Cabdiwahaab Cabdiraxmaan Cileeye oo hadallada isaga kala dambeeyey ayaa soo jeediyey tallooyin iyo aragtiyo lagaga gudbayo duruufaha ganacsi iyo kuwa dhaqaale ee soo kordhay.

Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, ayaa isaguna hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in ganacstada iyo xukuumaddu iska kaashadaan sidii loo heli lahaa talooyin lagaga gaashaanto saamaynta ka dhalatay duruufaha kasoo kordhay mandaqadda badda cas, sida warsaxaafadeeda lagu sheegay.