7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 25, 2023
54 qof oo ku geeriyooday shilalkii sanadkan dhacay degaanada Puntland

Isniin, December, 25, 2023 (HOL) - Taliska guud ee nabad galyada waddooyinka Puntland, ayaa sheegay in 54 qof ay ku geeriyoodeen, 800 qof ay ku dhaawacmeen shilalkii gaadiid ee ka dhacay degaanada Puntland sanadkan sii idlaanaya ee 2023.

Taliyaha nabad galyada waddoyinka Puntland, G/sare Fataax Siciid Sulayman (Afrikaan), ayaa sheegay tirada shilalka la diiwaan galiyay inay yihiin 17,011 shil, kuwaas oo uu sheegay inay ku burbureen in ka badan 800 oo gaadiid, 00 500 kamid ah ay yihiin mootooyinka Bajaajta.

Taliyaha taraafikadu wuxuu sheegay, marka loo eego sanadkii hore, in khasaaraha dhimashada shilalku ay hoos u dhaceen.

Wuxuu sheegay sanadkii hore inay ku geeriyoodeen shilalka gaadiid dad gaaraya 78 qof, halka sanadkaan ay  dhan yihiin 54 qof.

Wuxuu sheegay wacyi galin la sameeyay, ciidamada taarafikada oo la kordhiyay, iyo dayactir lagu sameeyay waddooyinka inay ka qeyb qaateen in shilalka ay yaraadaan.

Gaashaanle sare Afrikaan wuxuu sheegay shilkii ugu dambeeyay inuu shalay ka dhacay gobolka Bari, halkaas oo ay ku geeriyoodeen saddex qof.

Wuxuu walaac ka muujiyay in shilalku weli yihiin dilaaga weyn ee dadka naftooda iyo burburka hantidooda. Wuxuu sheegay masuuliyad darrada darawaliintu inay u dhacaan shilalka, isagoo sheegay inay adkeeyeen qaadashada laysinka darawalnimada.