7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 25, 2023
Siyaasiyiin kasoo jeeda SSC- Khaatumo oo loolan ugu jira kamid noqoshada baarlamaanka Puntland
 

Isniin, December, 25, 2023 (HOL) - Siyaasiyiin kasoo jeeda SSC- Khaatumo oo doonaya inay kamid noqdaan baarlamaanka Puntland, kuwaas oo wata saxiixyada isimadooda, ayaa warqadahooda u geystay guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta xubnaha baarlamaanka, sida aan ka xaqiijinay ilo xog ogaal ah oo si dhow ula socda arrimahan.

Siyaasiyiintan ayaa waxay u badan yihiin xubno katirsan maamulka madaxweyne Deni, sida wasiirro iyo la-taliyayaal, kuwaas oo qaarkood si dhow uga shaqeynaya in madaxweyne Deni uu mar labaad kusoo laabto kursiga madaxweynaha.

Saxiixyada ay gudbiyeen siyaasiyiintan ayaa kamid ah kuwa ay leeyihiin Isimmada SSC- Khaatumo, kuwaas oo Sabtidii soo saaray go’aan ay ku sheegayeen in aanay Puntland dirsan doonin wax xildhibaanno ah.

Iyadoo taas ay jirto, ayaa guddoomiye ku xigeenka maxkamadda sare, wuxuu sheegay  in aanu waxba ka jirin go’aanka isimmada SSC, isagoo sheegay, kala gurashada Puntland iyo Khaatumo, in ay u baahan tahay waqti dheeraad ah iyo heshiis siyaasadeed oo labada dhinac ah.

Arrintaan ayaa kusoo aadaysa, xilli ay musharraxiinta madaxweynaha xalay ka digeen in lasoo xulo xildhibaanada SSC- Khaatumo, iyadoo aan heshiis siyaasasdeed laga gaarin qaabka ay ku imaanayaan.