7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 25, 2023
Hay'adda SODMA oo maamulka gobolka Banaadir ku wareejisay gargaar dhan 3,800 oo tan

Isniin, December, 25, 2023 (HOL) - Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA ayaa maanta deeq gaar gaar ah oo gaareysa 3,800 oo tan ku wareejisay maamulka gobolka Banaadir, taasoo loogu talo galay dadka danyarta ah.

Deeqdaan gargaarka ah oo la tilmaamay iney gaari karto ilaa 150 kun oo qoys ayaa waxaa guddoomiyaha hay'adda SODMA Maxamuud Macalin Cabdulle kala wareegay gudoomiye ku xigeenka arrimaha Bulshada maamulka gobolka Banaadir Cabdicasiis Cismaan Maxamed.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir ayaa Cabdicasiis Cismaan ayaa warbaahinta u sheegay in kaalmadaan gargaarka ah loo qaybinayo qoysaska danta yar ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha hay’adda Maaraynta iyo Musiibooyinka Qaranka SODMA Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa dhankiisa sheegay iney ka go’an tahay SODMA gacan qabashada qoysaska saamaynta badan ay ku reebeen xaaladaha is barbar socday ee ka dhacay dalka sida abaaraha, daadadka iyo fatahaadda Wabiyada.

Hay'adda SODMA ee Maareynta iyo Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa wax badan ka qabatay xaaladaha bani'aadanimo ee ka dhashay daadadka Elnino iyo fatahaadaha dhawaan ay geysteen wabiyada Jubba iyo shabeelle.