7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 25, 2023
Maxkamadda sare ee Puntland oo diiday go'aankii isimmada SSC- Khaatumo ku diideen inay so xulaan xildhibaannada
 

Isniin, December, 25, 2023 (HOL) - Maxkamadda sare ee Puntland ayaa diiday go’aankii kasoo baxay isimmada SSC- Khaatumo, kuwaas oo sheegay in aysan xildhibaano u xulidoonin maamulka Puntland.

Warsaxaafadeed uu soo saaray guddoomiye ku xigeenka maxkamadda sare, ayuu ku sheegay in go’aanka ay gaareen Isimmada SSC- Khaatumo uusan waafaqsanayn habraaca loo marayo kala kala gurista labada maamul.

Guddoomiye ku xigeenku wuxuu sheegay in Puntland ay xaq u leedahay in xildhibaannada lagusoo xulo qaabkii horey loogu soo xuli jiray, isagoo sheegay in doorashada ka dib xal laga gaaridoono go’aanka isimmada SSC-Khaatumo.

Wuxuu sheegay haddii isimmadu soo xuli waayaan in xildhibaannadii horey u joogay ay noqon doonaan kuwa sharciga ah ee sii shaqayn doono inta laga dhameystirayo hannaanka doorashada Puntland.