7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 24, 2023
Musharraxiinta madaxweynaha Puntland oo ku eedeeyay madaxweyne Deni inuu boob ku hayo xulista xildhibaannada

Axad, December, 24, 2023 (HOL) - Musharraxiinta madaxweynaha Puntland, ayaa ku eedeeyay madaxweyne Deni inuu khilaaf ka dhex abuuray hannaanka xulista xubnaha baarlamaanka, taasoo ay sheegeen inay ka dhalatay in muran la galiyo odayaashii soo jireenka ahaa ee soo xuli jiray xildhibaannada.

Musharraxiinta oo caawa soo saaray bayan, ayaa sidoo kale ku eedeeyay guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta xubnaha baarlamanka, in ay jebiyeen kalsoonidii lagu qabay, iyagoo sheegay in ay madaxweyne Deni kala shaqeynayaan inuu boobo kuraasta xildhibaanada beeluhu leeyihiin.

Musharraxiinta waxay bayaankooda ku sheegeen in aan lasoo xuli karin 17-ka xildhibaan ee kasoo jeeda SSC- Khaatumo, illaa iyo inta heshiis siyaasadeed ay ka gaarayaan dowladda iyo mucaaradka, ka hor 31 december.

Waxay sheegeen madaxweyne Deni inuu qaadayo masuuliyadda iyo cawaaqib xumada ka dhalata burburinta beelaha, iyo xaaladaha siyaasadeed ee ka taagan Garowe. Waxay kaloo sheegeen in aysan aqbali doonin xildhibaannada kusoo baxa sifo baalsan habraaca xulistooda.