7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 24, 2023
Faysal Cali Waraabe oo xukuumada ku dhaliilay in ay ka gaabisay difaaca Somaliland
 

Axad, December, 24, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa xukuumada ku dhaliilay in ay ka gaabisay difaaca Somaliland.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dagaalkii gobolka Sool la doonayo in loo rogo mid qabiil, isla markaana xukuumadu ay door keedii ka gaabisay, waxa uuna sheegay in kooxo amniga gobolka khatar ku ahi ay Laascaanood qabsan doonaan hadii anay Somaliland ku noqon.

"Meesha hadan shaarciga Somaliland lagu soo celin waxay noqon doontaa bahale galeen, oo waxay khatar gali doonto Badda Cas, oo waxay noqon meel jin iyo jaan joogaan, marka waxaan leeyahay dadka dagaalkii Somaliland iyo G 21 ka dhigaya qabaa'il is dilaya, yaan la badalin sheekada" ayuu yidhi Waraabe.

Waxa uu sheegay in xukuumadii Somaliland anay muuqan, isla markaana anay qayb ka ahayn difaaca Somaliland, waxa kale oo uu sheegay in xukuumadu sidookale anay diyaar garow doorasho ku jirin, doorasho la'aantuna ay sababtay in dhibaatooyinkii Somaliland soo gaadhay.

Waxa uu sheegay in xukuumadu ayna awoodeedii isticmaalayn taasina ay jaanis siinayso in ay xoogag kale samaysmaan, oo ay soo baxaan kooxo kale oo fikiro kale aaminsan.

"Waar dowladii ha toosto, waar dowladii ha muuqato, Naasa Hablood baa laysku dilay oo waad arkayseen Hargaysa ayay soo galaysa, Alxamdulilah Cali Saahid waa la dhameeyay" ayuu yidhi Waraabe.

Faysal waxa uu sheegay in magaalada Laascaanood anay noqon doonin maamul gaar ah, isla markaana aan magaalo maamul loo samayn karin, "Reer Laascaanood waxaan leeyahay suuragal maaha in magaalo maamul noqoto".