7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 24, 2023
Faahfaahino kasoo baxaya dagaal culus oo Maanta ka dhacay Koonfurta gobolka Mudug
 

Axad, December, 24, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo maanta ku dhexmaray deegaanka Jeex jeexa ciidamada xoogga dalka oo garab ka helaya kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda oo dhinac ah iyo kuwa Ururka Al-shabaab.

Dagaalka ka dhacay deegaanka Jeex jeexa oo hoostaga magaalada Caad ee dhacda Koonfurta gobolka Mudug ayaa lasoo wariyay inuu ahaa mid aad u xoogan oo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidanka Kumaandooska Danab ay weerar ku qaadeen goob la sheegay iney isku aruursanayeen xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Danab ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in ciidanka ay guul weyn ka gaareen dagaalka maanta ka dhacay deegaanka Jeex jeexa, islamarkaana xubnahii shabaabka ahaa laga saaray goobtii ay isku aruursanayeen.

Inkastoo saraakiisha ciidanka guulo ka sheegteen dagaalka wali si rasmi ah looma oga khaaaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka ee kala gaaray labada dhinac.

Koonfurta gobolka Mudug waxaa dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ka socday howlgalo culus oo ka dhan kooxda Al-shabaab, waxaana xusid mudan in howlgaladaasi looga xureeyay kooxda deegaano muhiim ah oo ay gacanta ku haysay kooxda in ka badan 10 sano.