7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 24, 2023
Booliiska Soomaaliya oo soo bandhigay nin dil kasoo geystay dalka Kenya

Axad, December, 24, 2023 (HOL) - Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa soo xiray eedeysane baxsad ah oo lagu magacaabo Axmed Cabdiraxmaan Cabdullaahi.

Eedeysanahaan ayaa loo haystaa sida uu booliisku sheegay, in uu dilay Maxamed Xasan dilkaas oo ka dhacay caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.

War qoraal ah oo kasoo baxay taliska booliiska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in eedeysanaha la horgeyndoona Caddaaladda.

booliiska ayaa sheegay inuu hayay macluumaad ku saabsan eedeysanaha kasoo baxsaday Kenya, taasoo u fududaysay inay gacanta ku dhigaan.

Lama oga in dowladda Soomaaliya eedeysanaha ay ku celin doonto Kenya, oo halka uu kasoo baxsaday oo uu falka dilka ah ku geystay sida lagu eedeeyay, ama in dowladdu ku maxkamadaynayso gudaha dalka.