7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 24, 2023
Soomaaliya oo ku guulaysatay abaal marinta caalamiga ah ee dhaqanka iyo fanka

Axad, December, 24, 2023 (HOL) - Safiirka Soomaaliya ee Ethiopia Cabdullaahi Maxamed Warfaa, ayaa billadda ODA AWARD guddoonsiiyey Maareeye ku-xigeenka Hay’adda murtida iyo Madadaalada qaranka,  Maki Xaaji Banaadir oo safar shaqo ku jooga Ethiopia.

ODA AWARD waa abaal-marin la siiyo dalalka Geeska Afrika iyo hay’adaha caalamiga ah ee horumarka la taaban karo ka sameeyey dhinacyada dhaqanka, fanka iyo suugaanta.

Munaasabad ballaaran oo ka dhacday magaalada Addis Ababa, ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay natiijada ah in Soomaaliya ay si rasmi ah ugu guuleysatay Abaalmarinta ADO 2023 oo ay heerkan ku gaartay dadaalka dowladda iyo dib u dhiska hay’adaha dhaqanka.

Waxaana sidoo kale lagu xusay, in Dowladda Soomaaliya ay gashay tartan furan oo billad-doon ah oo ay si buuxda uga guuleysatay dalalka kamid ah kuwa Geeska Afrika.

Danjire Warfaa oo kaashanaya Xafiiska Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Safaaradda Soomaaliya ee Itoobiya, ayaa lagu ammaanay inuu dadaal  u galay sidii Soomaaliya ay uga soo muuqan lahayd fagaarayaasha caalamka.