7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 24, 2023
Dowladda Fedaraalka oo faahfaahisay khasaaraha ka dhashay howlgaladii ugu dambeeyay ee dalka dhacay

Axad, December, 24, 2023 (HOL) - Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay khasaraaha ka dhashay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay meelo ka mid ah maamulada Galmudug, Hirshabeelle iyo Jubbaland.

Warsaxafadeed ay soo saartay Wasaaradda ayay ku sheegtay in howlgaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay qaar ka mid ah gobolada dalka in lagu dilay 130 xubnood oo ka mid ah kooxda Al-shabaab oo isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaad.

Waxaa sidoo kale warsaxafadeedka lagu sheegay in kooxda Al-shabaab howlgaladii ugu dambeeyay looga xureeyay dhul baaxad leh oo ku yaala gobolada Mudug iyo Galgaduud ee maamulka Galmudug.

Warka kasoo baxay Wsaaradda Gaashaandhiga ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada ay howlgalada kusoo furteen hub iyo saanad ciidan, islamarkaana ay burburiyeen qalab kala duwan iyo goobo gabaad ka dhiganayeen kooxdu.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya:-