7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 24, 2023
Ciidamada dowladda oo howlgallo ka sameeyay gobolka Shabeellaha Hoose

Axad, December, 24, 2023 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 143-aad ee guutada 14-ka Oktobar ayaa galinkii dambe ee Shalay ilaa Xalay howlgalo ka dhan kooxda Al-shabaab ka waday tuulooyin badan oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Tuulooyinka ciidamada howlgalada ka sameyeen ayaa kala ah Mareereey, Moordiile, Raqayle iyo Caanoole oo dhamaantood hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada ayaa howlgalada uga saaray tuulooyinkaan xubno ka tirsan Al-shabaab dhul beereed ay isku aruursanayeen kooxda, islamarkaana burburiyay fariisimo ay halkaasi ku lahayeen kooxda.

Taliyaha ururka 143-aad guutada 14-ka October ee ciidanka dhulka Gaashaanle Axmed Xasan Siyaad oo hoggaaminaayay howlgalka ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in ciidanka ay xaqiijiyeen amniga dhamaan tuulooyinka ay ka saareen kooxda Shabaab.

Inta badan gobolada dalka waxaa dib uga bilaawday howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee lagu doonayo in dalka looga ciribtiro kooxda, waxaana howlgaladaasi dhanka cirka ah ka taageeraya ciidanka dowladda saaxiibada Caalamiga ah.