7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 24, 2023
Boqor Burhaan: Isimmada Puntland waa inay isugu yimaadaan shir degdeg oo lagu badbaadinayo Puntland
 

Axad, December, 24, 2023 (HOL) - Boqor Burhaan Boqor Muuse  oo kamid ah Isimmada dhaqanka ee Puntland ayaa ku baaqay in la ay isugu yimaado shir degdega ah oo looga tashanayo aayaha Puntland.

Boqor Burhaan ayaa sheegay inuu ixtiraamayo soona dhoweeyay go’aanka ay qaateen isimmadda SSC- Khaatumo, wuxuuna sheegay in go’aankooda uusan wax dhibaato ah u geysan doonin jiritaanka Puntland.

“Waxaan ku baaqayaa in Isimmada Puntland shir degdeg ah isugu yimaadaan si looga tashado aayaha Puntland. Waxaan maamulka Puntland, Musharixiinta iyo Siyaasiyiinta kale ugu baaqayaa in meel la iska dhigo faraqa u dhexeeya loona midoobo badbaadinta Puntland.” Ayuu yiri Boqor Burhaan.

Wuxuu sheegay xaaladda guud ee Puntland inay is beddeshey taas oo ku timid si degdeg ah, isla markaana ay kusoo ku beegantey wakhti xasaasi ah oo ay Puntland doorasho galayso.

Shalay ayay ahayd markii isimmada SSSC- Khaatumo ay go’aan ku gaareen in aanay wax xildhibaano ah usoo xulidoonin Puntland, waxayna sheegeen inay ka taliyeen midnimada iyo wadajirka dadka reer SSC- Khaatumo.

Madaxweynaha SSC- Khaatumo, Firdhiye ayaa taageeray go’aanka Isimmada SSC, isagoo sheegay inuu yahay go’aan loo baahnaa.