7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 23, 2023
Dowladda Fedaraalka oo Maanta dalka dib ugu soo celisay dhalinyaro ku xirneyd dalka Ruushka
 

Sabti, December, 23, 2023 (HOL) - Waxaa maanta dalka dib loogu soo celiyay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xirnaa xabsi ku yaala magaalada Moscow ee dalka Ruushka.

Muwaadiniintaan ayaa tiro ahaan gaarayay 16 muwaadin oo isugu jiray rag iyo dumar ayaa mudo ku xirnaa xabsi ku yaala dalkaasi Ruushka, kuwaas oo la xiray iyagoo tahriib ahaa.

Qaar ka mid ah dhalinyaradaan maanta dalka dib loogu soo celiyay oo garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kula hadlay warbaahinta ayaa sheegeen iney ku faraxsan yihiin in dalkooda dib loogu soo celiyo.

"Waan ku faraxsanahay in dowladdeena naga soo saartay xabsi aan ku jirnay mudo 30 cisho ah oo aan ku rafaadsaneen, dalkeyga inaan kusoo laabtay waa ii farxad" ayuu yiri mid ka mid ah dhalinta laga soo saaray xabsi ku yaala Moscow.

Wasaaradda arrimaha dibada Soomaaliya oo dhalinyaradaan dalka kusoo celisay ayaa sheegtay iney ka go'an tahay in dalka dib ugu soo celiso muwaadiiniinta ku xiran xabsiyada dalka duwan ee ku yaal dalka dibadiisa oo ay ku jiraan.

Ma ahan markii ugu horeysay oo dowladda Soomaaliya ay dalka dib ugu soo celiso muwaadiniin Soomaali ah oo ku xiran xabsi ku yaala dalka dibadiisa, waxaana horay ay dalka ugu soo celisay dhalinyaro ku xirneyd dalal ay ka mid yihiin Libiya iyo India.