7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 23, 2023
Howlgal Maanta ka dhacay gobolka Mudug oo lagu dilay 55 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-shabaab
 

Sabti, December, 23, 2023 (HOL) - Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay howlgal gaar ah oo maanta ciidamada xoogga dalka iyo saaxiibada Caalamiga ah ka sameyeen dhulka howdka ah ee Jeex jeexa oo u dhaxeya magaalooyinka Caad iyo Cadaleey ee gobolka Mudug.

Dhulkaan howdka ah oo ku yaala Koofurta gobolka Mudug ayaa la tilmaamay iney isku aruursanayeen xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Cadow ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in howlgalka lagu dilay 55 xubnood oo isugu jira horjogayaal iyo maleyshiyaad ka tirsan kooxda.

"Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa Waxaa uu sheegay in tirada Cadowga looga dilay Duqeynta uu ka badan yahay 55 dhimasho ah oo Maleyshiyaad iyo Horjogayaal isugu jira iyo dhaawaca tiro 40 ka badan" ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda.

Koonfurta gobolka Mudug waxaa labadii todobaad ee lasoo dhaafay si xowli ah uga  ka socday howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta deegaanadaas, waxaana ciidamada xoogga dalka howpgaladaasi kula wareegeen deegaano badan oo muhiim ah.

Dhinaca kale Shalay galinkii dambe ayaa howlgal noocaan oo kale ah oo ay fuliyeen ciidanka dowladda oo taageero dhanka cirka ah ka helaya saaxiibada Caalamiga ah waxay ku dileen deegaanka Aboodin oo ka tirsan Jubbada Hoose in ka badan 70 xubnood oo ka tirsan Ururka Shabaab.