7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 23, 2023
Golaha dhaqanka SSC- Khaatumo oo go'aan rasmi ah kasoo saaray 17-kii xildhibaan ay Puntland ku lahaayeen

Sabti, December, 23, 2023 (HOL) - Golaha sare ee dhaqanka SSC- Khaatumo ayaa ku dhawaaqay in aysan wax xildhibaano ah u dirsan doonin maamulka Puntland, sidoo kale, kuwii horey u joogayna aysan u cusboonaysiin doonin inay kusoo laabtaan kuraastooda.

Golaha dhaqanka SSC ayaa sidoo kale sheegay in aysan jiridoonin cid kasoo jeeda SSC- Khaatumo oo iskusoo sharrixi karta madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Waxay sidoo kale ugu baaqeen labada xubnood ee kasoo jeeda SSC Khaatumo ee ku jira guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta baarlamaanka Puntland, inay is iscasilaan.

Go’aannadan iyo kuwa kale oo dhowr ah ayay golaha dhaqanka SSC- Khaatumo soo saareen ka dib kulan ay saakay ku yeesheen magaaalada Laascaanood, halkaas oo laga cabsi qabay inuu ka dhaco mudaharaad reer SSC ugasoo horjeedaan in xildhibaano loo diro Puntland.

Isimmadu waxay ka digeen in suuqa laga qorto xildhibaanada beesha Dhulbahante, waxayna sheegeen dhammaan odayaashii saxiixi jiray inay go’aan midaysan ku qaateen in aan Puntland loo dirsan wax xildhibaan ah.

Garaad Jaamac Garaad Cali oo kamid ah isimmada soo saaray go’aannadan, ayaa sheegay in ay ka taliyeen midnimada iyo wadajirka dadka reer SSC- Khaatumo.

Go’aanka isimmada SSC ayaa kusoo beegmay, iyadoo Puntland ay ku jirto xaalad doorasho ah, islamarkaana ay siyaasiyiin badan oo kasoo jeeda degaanadaas SSC Khaatumo ay isku diyaarinayeen inay buuxiyaan kuraasta beelahooda.

Sidoo kale, siyaasiyiin uu kamid yahay madaxweyne ku xigeenka Puntland ay u hanqal taagayeen xilka madaxweyne ku xigeenka Puntland, kaasoo mar walba loo dooran jiray qof kasoo jeeda beesha Dhulbahante.