7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 23, 2023
Xildhibaannada labada aqal ee kasoo jeeda SSC- Khaatumo oo gudbiyay dacwad ka dhan ah safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya
 

Sabti, December, 23, 2023 (HOL) - Xildhibaannada labada aqalka ee kasoo jeeda degaannada SSC- Khaatumo, ayaa ku eedeeyay safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Michael Nithavrianakis, inuu faragelin ku hayo oo uu ka soo horjeedo rabitaanka shacabka SSC-Khaatumo.

Bayaan ay soo saareen xildhibaannadan ayaa waxay dowladda federaalka ugu baaqeen  in dib u eegis dhamaystiran lagu sameeyo dhaqdhaqaaqyadii dublamaasiyadeed ee u dambeeyay ee la xiriira hab-dhaqanka Michael Nithavrianakis ee ku wajahan gobollada SSC-Khatumo.

“Danjiruhu wuxuu si bareer ah u jebiyey u hoggaansanaanta heshiiska Vienna Qodobka 41-aad - oo odhanaya "Waxaa ku waajib ah qofka xasaanadda iyo mudnaanta helaya inuu ixtiraamo shuruucda dawladda soo dhoweysay, sidoo kale waxaa ku waajib ah in aysan faragelin arrimaha gobolkaas”. Iyadoo la tixraacayo heshiiska Vienna; Qodobka 41-aad, waa in la joojiyo jebinta dublamaasiyadeed ee Safiirka Ingiriiska Mr. Michael Nithavrianakis uu ku hayo gobollada SSC-Khaatumo,” ayay yirahaadeen xildhibaannada labada aqal ee kasoo jeeda SSC.

Xildhibaannadu waxay sheegeen inuu safiirku iska dhega tiray baaqyada lagu xaqiijinayo in la ixtiraamo midnimada iyo wadajirka geyiga Soomaaliya iyo mabda'a ah in aan la faragelin Soomaaliya arrimaheeda gudaha.

Dhawaan ayay ahayd markii maamulka SSC- Khaatumo uu ku eedeeyay safiirka Ingiriiska inuu si cad u sheegay inuu kasoo horjeedo jiritaanka SSC- Khaatumo, iyagoo sheegay in safiirku aaminsan yahay in aan wax maamul kale ah laga samayn karin xaduudkii uu jeexay Ingiriisku.