7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 23, 2023
Cabdi Iley oo sheegay in Markhaatiyadiisii difaaci lahaa xadhig iyo jidh dil loogaystay

Sabti, December, 23, 2023 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Dowlad degaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar ( Cabdi Iley) ayaa sheegay in markhaatiyadii isaga difaacayay ay Booliska Addis Ababa ugaysteen jidh dil iyo xarig, sida uu Cabdi Iley uu ka hor sheegay Maxkamadda.

Cabdi Iley waxa uu sheegay in saddex maalmood ee u dambaysay xadhig iyo jidh dil loogaystay 5 kamid ah Markhaatiyadiisii isaga difaacayay, sida ay sheegtay BBC da qaybta Afka Axmaariga oo soo xiganaysa mid kamid ah dadkii sida dhow ula socday arrinka Maxkamadda.

Dadkan Markhaatiyada ah ee difaacayay Cabdi Iley ayaa la sheegay in xadhiga iyo jidh dilka loogaystay kaddib markii ay Maxkamadda kasoo muuqdeen Talaadadii aynu soo dhaafnay, si ay uga difaacaan eedaha loohaysto Madaxweynihii hore ee degaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar ( Cabdi Iley ).

Mid kamid ah dadka markhaatiga difaaca u ah Cabdi Iley ayaa la sheegay inay horey isku dacwad u ahaayeen Cabdi Iley oo ay isla xidhnaayeen kana mid ahayd xubnihii xukuumaddiisii hore, balse Maxkamaddu ay kiiskeeda laashay saddex sano kahor, wakhtigaa oo iyada lagu waayay wax dambi ah.

Balse Maxkamadda oo dhagaysatay eedda uu Cabdi Iley ujeediyay Booliska ee ah in boolisku xadhig iyo jidh dil u gaysteen dadkii isaga markhaatiga difaaca u ahaa, ayay Maxkamaddu Booliska ku amartay inay ka jawaabaan arrintaas, balse Booliska ayaa sheegay inaysan jirin wax u xidhan iyaga oo ku saabsan dadka la sheegay inay markhaatiga u yihiin Cabdi Iley, marka laga reebo hal gabadh oo ay sheegeen inay hayaan Faderal Boolisku.

Cabdi Maxamuud Cumar oo 5 sano kahor loosoo xidhay rabshadihii 2018kii ka dhacay magaalada Jigjiga ayay Dowladda Itoobiya ku eedaysay Cabdi Iley inuu ku lug lahaa rabshadahaas, isagoo sameeyay kicin bulsho isla markaana hubaynayay kooxo loogu magac daray Heego, balse Cabdi Iley eedahaas waa uu iska fogeeyay.

Cabdi Iley ayaa muddo 8 sano ah waxa uu Madaxweyne ka ahaa Dowlad degaanka Soomaalida, waxaana xilkiisii Madaxweyne uu waayay 4tii Agoosti 2018 xilligaas oo rabshadihii u waynaa ee abid degaanka ka dhaca ay ka dhaceen magaalada Jigjiga, kaas oo dad badan ay ku dhinteen burbur hantiyeedna uusoo gaadhay magaalada Jigjiga.