7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 23, 2023
Ku dhawaad 100 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-shabaab oo lagu dilay dagaal ka dhacay Jubbada Hoose
 

Sabti, December, 23, 2023 (HOL) - Wararka dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal khasaare badan geystay oo ka dhacay deegaanka Aboodin oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka oo dhacay galinkii dambe ee Shalay ayaa u dhaxeeyay ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa dowlad goboleedka Jubbaland oo taageero dhanka cirka ah ka helaya saaxiibada Caalamiga ah iyo kuwa kooxda Al-shabaab.

Warbaahinta ku hadasha afka maamulka Jubbaland ayaa shaacisay in dagaalka lagu dilay in ka badan 70 ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab iyo kuwa Jubbaland ay weerar ku qaadeen deegaanka Aboodin oo la tilmaamay iney isku aruursanayeen kooxda Al-shabaab, waxaana lasoo wariyay in halkaas uu ka dhacay dagaal saacado badan qaatay.

“70 tiro kor u dhaafeysa oo isugu jira maleeshiyaad iyo horjoogayaal ayaa looga dilay Khawaarijta dagaalkaas oo ahaa mid toos ah iyo duqeymo xaga cirka ah oo ay fulinayeen diyaaradaha saxiibada Soomaaliya ka caawiya la dagaalanka argagaxisada,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo baahiyey Warbaahinta Jubbaland.

Dagaal ayaa sidoo kale waxaa la tilmaamay iney qeyb ka ahayeen diyaaradaha dagaalka oo dhanka cirka ah ka taageeraayay ciidamada is garabsanaya.

Deegaanada Jubbaland waxaa dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ka socday howlgalo lagu baacsanayo kooxda Al-shabaab oo meelo badan ka haysata gobolada Jubbooyinka, waxaana xusid mudan in 17-kii bishaan howlgal ka dhacay Jilib in lagu dilay hoggaamiye ka tirsana Shabaab oo lagu magacaabi jiray Macalin Ayman.