7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 19, 2023
Dagaal sababay dhimashada 5 qof oo ka dhacay magaalada Hargaysa ee caasimada Somaliland
 

Talaado, December, 19, 2023 (HOL) - Inta la ogyahay 5 qof ayaa ku dhintay tiro kalena way ku dhaawacmeen kadib markii dad hubaysani ay weerareen qayb kamid ah Millateriga Somaliland oo dagan buuraha Naaso-Hablood ee Hargaysa galabta.

Xildhibaan Yaasiin Cumar Yare oo kamid ah Golaha Deegaanka Hargaysa oo waraysi siiyay warbaahinta KF, ayaa sheegay in ay ciidanka soo weerareen dad hubaysan oo sheeganaya in ay leeyihiin dhul kamid ah buuraha Naaso-Hablood ee waqooyi bari Hargaysa, oo uu ciidanku dagay, sidaana uu dagaal ku qarxay maanta.

"Muran dhul oo baryahanba sii xoogaysanayay ayaa sababay khasaaraha dhimashada iyo dhawaaca ah, dhulku waa dhul dan guud ah oo dowlada hoose gacanta ku hayso, niman millateri ah ayaa iska dagay nabad in ay kaga guuraan ayaanu rabnay lakiin may dhicin" ayuu yidhi xildhibaanku.

Xildhibaanka ayaa sheegay in tirada guud ee ilaa hada dhimatay ay tahay 5 qof, isaga oo sheegay in dadka dhulka sheeganayaa ay weerar kusoo qaadeen xerada ciidanka millaterigu uu ka samaystay goobta, sidaasna uu ku dhacay khasaarahu.

Waxa uu sheegay in dadka soo duulay iyo ciidanka dagan meesha midna aanu lahayn dhulka, lakiin ay marar dhawr ah taliska guud u gudbiyeen in ciidanka meesha lagaga raro, lakiin aanu talisku ka aqbalin.

Xildhibaanku waxa uu sheegay in xaaladu ay dagantahay hada, isla markaana ay dowlada hoose iyo xukuumaduba xaalada gacanta ku hayaan.