7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 19, 2023
Dowladda Fedaraalka oo Shiinaha kala wareegtay lacag dhan hal Milyan oo doolar
 

Talaado, December, 19, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha hay'adda Maareynta iyo Musiibooyinka qaranka Soomaaliyeed ee SODMA Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa Maanta dowladda shiinaha kala wareegay lacag dhan hal Milyan oo doolar.

Dowladda Shiinaha ayaa lacagtaan ugu talo gashay iney uga qaybqadato gurmadka loo sameeynayo dadka ay samaayeen xalaadaha adag ee ka dhashay El-Niño iyo fatahaadaha ay geysteen wabiyada Jubba iyo Shabeelle.

Safiirka dowlada Shiinaha u fadhiya Soomaliya SaH.E Fei Shengchao ayaa deeqdaan lacagta ah ku wareejiyay guddoomiyaha hay'adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed Maxamuud Macalin Cabdulle.

"Safiirka Shiinaha oo noogu yimid xarunta SoDMA wuxuu na guddoonsiiyay lacag gaareyso hal milyan oo dollar oo loogu talagalay arrimaha fatahaadaha ee Elnino ay sababtay, taas oo ku bixi doonto raashin ay iyaga soo wadaan.Waxaan runtii aad iyo aad ugu mahadcelinayaa dowladda Shiinaha iyo shacabkeeda garab istaagga aan markii koowaad ahayn” ayuu yiri guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macalin.

Guddoomiyaha SODMA ayaa sìdoo kale sheegay in dowladda Shiinaha ay uga duwan tahay dowladaha kale, islamarkaana Shiinaha uu si toos ah u caawiyo dadka Soomaaliyeed.

Dhawaan ayay aheyd markii dowladda Shiinaha deeq lacageed oo gargaar ah ugu deeqay dowladda federaalka, taasoo wax looga qabtay xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira deegaanada Jubbaland.