7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 19, 2023
Somaliland oo ka hadashay xiisada ka soo cusboonaatay Badda Cas
 

Talaado, December, 19, 2023 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in ay qaybteeda ka qaadanayso ilaalinta Xeebaha Badda Cas, oo baryahan danbe ay ka dhaceen falal amni daro oo la xidhiidha budhcad badeednimo.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo ka warbixiyay xaalada Badda Cas, ayaa sheegay in Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland ay qabteen kooxo doonayay in ay falal budhcad badeednimo ka fuliyaan xeebaha Somaliland.

"Ciidankeenu waxa uu ku dadaalaa xeebaheena inta masuuliyadeenu tahay in uu ilaaliyo hub farabadana waa la qabtay, laashash loogu talay in Xeebaha Somaliland lagaga hawlgalo oo 2 ahna waala qabtay, oo loo malaynayo in dadka loo soo dhiibay ay yihiin budhcad badeed ama argagixiso" ayuu yidhi Wasiir Kaahin.

Waxa uu sheegay in laga soo gudbay xiligii ay dowlada Soomaaliya sheegan jirtay xuduudaha iyo xeebaha Somaliland, isla markaana ay imika iyagu kala xaajoodaan caalamka waxkasta oo ka dhacaya gudaha xuduudaha Somaliland.

Wasiirka oo ka hadlay gole ay ku midoobeen waddamada kulaalaya Badacas ayaa sheegay in Somaliland ay leedahay xeeb dherarkeedu yahay 850 kilo mitir, isla markaana aanay ogolayn wax dhaqdhaqaaqa oo xeebteeda laga fuliyo ilaa oo lagala soo xidhiidho, waxaanu sheegay in ay ku dadaalayaan in Somaliland qayb ka noqoto golaha.

Waxa uu sheegay in Somaliland ay qaybteeda ka qaadanayso ilaalinta Badda Cas, isla markaana ay masuuliyadeeda qaadanayso, waxa uu sheegay in ay jiraan dalal ay wadahadalo iskaashi u socdaan, isaga oo sheegay in ay si gaar ah isku kaashadaan dowlada Jabuuti.

Waxa uu sheegay in ay Berbera ay ka dhisayaan bar talis balaadhan oo ay yaalaan raadaaro casri ah, oo xeebta Somaliland oo dhan lagaga ilaaliyo.