7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 19, 2023
Mid kamid ah musharraxiintii madaxtinimada Puntland oo ku geeriyooday shil gaari
 

Talaado, December, 19, 2023 (HOL) - Suldaan Cabdicasiis Afguduud oo kamid ahaa siyaasiyiinta u sharraxnaa xilka madaxweynaha Puntland, ayaa maanta ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay inta u dhaxeysa Boosaaso iyo Qardho.

Musharaxa iyo taageerayaal badan oo la socday ayaa ku wajahnaa magaalada Qardho, halkaas oo looga diyaar garoobayay soo dhowayn in loogu sameeyo.

Hay'adaha amniga ayaa xaqiijiyay in gaari uu la socday suldaanku oo ahaa Land Cruiser ama Laylo Calaawi oo xawaare saa'id ah ku socday uu kula rogmaday  degaanka Qayaadsame ee Gobolka Bari.

Lama sheegin cid kaloo ku dhaawacantay shilkaan, hase ahaatee, waxaa jira dhaawacyo soo gaaray dadkii la socday.

Marxuumka, maalmo ka hor ayuu kasoo dagay magaalada Boosaaso, isagoo ku dhawaaqay inuu yahay musharrax u taagan xilka madaxweynaha Puntland.

Wuxuu maalmo ka hor sheegay inuu isku soo taagay sidii uu maamulka Puntland isbeddel dhab ah uga hirgalin lahaa. Waxaase kasoo hormaray geeridiisa.

Marxuumku markii laga tago inuu ahaa musharrax madaxweyne, dhinaca kale wuxuu ahaa caaqil kamid ahaa dadkii dhismihii Puntland kasoo qeyb qaatay.

15-kii sano ee ugu dambeeyay wuxuu u badnaa magaalada Muqdisho. Wuxuu ahaa aad u dhaliili jiray siyaasada madaxweynayaashii Puntland, arrintaas oo keentay in marar lala duwan la xiray.