7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 19, 2023
Ciidamada dowladda oo kooxda Al-shabaab kala wareegay deegaano ka tirsan Mudug
 

Talaado, December, 19, 2023 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo garab ka helaya ciidanka Daraawiishta Galmudug iyo kuwa dadka deegaanka ayaa saakay si buuxda ugala wareegay kooxda Al-shabaab deegaano ku yaala Koonfurta gobolka Mudug.

Deegaanada ay saakay la wareegeen ciidamada is kaashanaya ayaa kala ah Dhagaxdheer iyo Dahar Cali Xayloow, kuwaas oo hoostaga magaalada Caad ee koonfurta Mudug.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalkaan ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in ciidamada ay wali wadaan howlgal ay kusii baacsanayaan xubnahii Shabaabka ahaa ee laga saaray deegaanadaan hoostaga magaalada Caad.

Waxaa sidoo kale saraakiisha ay sheegeen iney sii wadayaan howlgalada noocaan oo kale oo ay kooxda Al-shabaab kaga saarayaan dhamaan deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Mudug.

Ciidanka dowladda iyo kuwa Daraawiishta Galmudug oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa howlgalo ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ka wada mudooyinkii dambe deegaanada dhaca Koonfurta gobolka Mudug ee maamul goboleedka Galmudug.