7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 19, 2023
In ka badan 20 hay’adood oo dalbaday in Maraykanku uu wax ka beddel ku sameeyo duqeymaha cirka ee Soomaaliya
 

Talaado, December, 19, 2023 (HOL) - In ka badan 20 kamid ah hay’adaha xuquuqul insaanka ee Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah ayaa weydiistay wasaaradda gaashaandhigga ee  dowladda Maraykanka, in ay qaado tillaabooyin degdeg ah oo wax looga qabanayo codsiyada qoysaska eheladooda lagu dilay ama lagu dhaawacay duqeymaha  Maraykanka uu ka geysto  Soomaaliya.

Hay’adahan ayaa sheegay in saraakiisha Maraykanka ay iska indho tireen baaqa kasoo yeeray dhibanayaasha duqeymaha Maraykanka.

Warqad loo diray Xoghayaha Difaaca , Lloyd Austin, ayaa lagu muujiyay  kiisas badan oo waxyeelo rayid ah, kuwaas oo ka dhacay Soomaaliya, oo ay xaqiijisay dowladda Mareykanka, islamarkaana dhibanayaasha rayidka ah, kuwa badbaaday, iyo qoysaskooda aysan wali helin jawaabo la taaban karo.

Warqadda ayaa muujineysa dhibanayaal ay ka mid tahay Luul Daahir Maxamed, oo ahayd 22-jir Soomaali ah oo lala dilay gabadheeda Maryan Shilow Muuse oo 4 jir ahayd, kaddib markii bishii April, 2018 uu Maraykanku duqayn ka geystay magaaalada Ceel Buur.

Luul walaalkeed Abuubakar Daahir Maxamed ayaa sheegay in dhibanayaasha qoyskiisu  ahaayeen dad rayid ah, haddana Milatariga Maraykanku aysan wali reerkiisu siinin wax jawaab ah oo ay ku qanci karaan .

“In ka badan 5 sano ayaa laga joogaa tan iyo markii ay dhacday duqayntaas, laakiin ma aanan awoodin inaan helno cadaalad. Mareykanku xitaa ma uusan aqoonsan jiritaankeenna."ayuu Abuubakar Daahir ku yiri qoraal uu todobaadkii hore daabacay wargeyska The Continent.

Pentagon-ka ayaa sannadkii hore daabacday Qorshe Hawleedka Ka-hortagga iyo Ka-jawaabista Dhibaatada Rayidka, oo ay ku jiraan ballanqaadyo lagu horumarinayo maaraynta xogta, iyo kor u qaadida awoodda milatari si ay u qiimeeyaan ugana jawaabaan dadka rayidka ee ay waxyeelladu u geystaan weerarrada Maraykanka.

Warqadda ayaa lagu xusay in Wasaaradda Difaaca ay gacanta ku hayso 3 milyan oo doollar oo maaliyad sannadle ah oo uu bixiyo Koongareeska Maraykanku si loogu abaalmariyo dhibbanayaasha rayidka ah iyo kuwa ka badbaaday hawlgallada Maraykanka.

Sida laga soo xigtay Airwars, koox kormeerayaal ah oo fadhigeedu yahay UK, boqolaal Soomaali ah - oo ay ku jiraan qaar rayid ah - ayaa lagu dilay duqeymaha Mareykanka sanadkan oo kaliya iyadoo maamulka Biden uu si aamusnaan ah u sii wado waxa loogu yeero La-dagaalanka Argagaxisada.