7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 19, 2023
Madaxweyne Mustafe Cagjar " Imtixaanaadka ay ardaydu ku dhaceen waxay soo saartay dhibaato horey ujirtay oo lugooyo ahayd"
 

Talaado, December, 19, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar oo ka qayb galay Shirweynaha 32aad ee Waxbarashada degaanka Soomaalida ayaa ka hadlay Waxbarashada iyo dhibaataada uu leeyahay Qishka.

Madaxweynuhu waxa uu ugu horreyn ka hadlay Waxbarashada iyo meelaha ay ka liidato oo ay u horreyso Qishku, isagoo sheegay in dhinaca Qishka ardayda wax laga qabtay dhinaca dugsiga sare, balse wali dhibku ka jiro fasalka 8aadka iyo wixii ka hooseeya, oo uu sheegay in ardayga 12aadka imanaya uu yahay mid 8aad kiisii  soo qishay.

Waxa kale oo uu xusay Madaxwaynuhu in dhibaatada Qishku ay kamid tahay in la arkayo dad waxbarashadii dhammaystay oo shahaadooyin wata, haddana aan waxba garanayn, " Waxaad arkaysaa dad Shahaadooyin haysta oo Luuqadda ay ku hadlayaan mooyee mid kale aan ku hadlaynin ama aanan qoraynin oo aan garanayn, markaa in tayada Waxvarashadu hooseyso waa mid lawada ogsoon yahay, Imtixaanaadkii hadda la galayna taas umbay caddeeyeen" ayuu yiri Madaxweyne Mustafe Cagjar.

Haddaba wixii isbaddelka ka dambeeyay Madaxweynuhu waxa uu sheegay in wax badan laga qabtay dhinaca Waxbarashada oo dad waxbartay lagu soo daray xukuumadda, iyadoo shuruud looga dhigayo qofka la shaqaalaysiinayo Waxbarashadiisa, isla markaana lala dagaallamayo shahaadooyinka been abuurka ah, waa siduu hadalka u dhigay Mustafe Cagjar.

Hadallada Madaxweynaha ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan imtixaanaadkii dugsiga sare ee degaanka Soomaalida ay ardaydu intoodii badnayd ku dhaceen intixaanaadkii, isla markaana ay gudbeen wax ka yar 1%, taas oo xukuumaddu u sababaysay dadaal yari dhanka ardayda ah, iyo iyadoo wax laga baddalay qaabkii imtixaanaadka loo qaadi jiray.