7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 17, 2023
Horjooge ka tirsan kooxda Al-shabaab oo duqeyn diyaaradeed lagula eegtay gobolka Dhexe
 

Axad, December, 17, 2023 (HOL) - Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn ee loo yaqaano Drons, kaasoo ay iska kaashadaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka.

Warsaxafadeed kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in howlgalka uu ka dhacay gobolka Jubbada Dhexe, islamarkaana lala eegtay horjooge ka tirsana kooxda Al-shabaab oo aanan la shaacin magaciisa iyo in la lagu dilay howlgalka.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya oo taageero ka helaysa dadkeeda iyo saaxiibada caalamiga ah waxaa ka go’an  la dagaalanka kooxda Al-shabab si loo gaaro Soomaaliya nabad ah oo xasiloon” ayaa lagu yiri War dowladda soo saartay.

Horjoogaha lagu bartilmaameedsaday howlgalka ayaa la sheegay inuu kooxda Al-shabaab u qaabilsanaa abaabulka dagaalada.

Gabagabadii Warsaxafadeedka laguma sheegin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay howlgalkaan ka dhacay gobolka Jubbada Dhexe ee koonfurta Soomaaliya.