7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 17, 2023
Wajiga labaad ee dhimista ciidanka ATMIS oo maanta si rasmi ah u bilaabatay
 

Axad, December, 17, 2023 (HOL) - Wajiga 2-aad ee dhimista ciidamada Midowga Afrika ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya, ayaa maanta si rasmi ah u bilaabatay, wuxuuna socon doonaa illaa 31 december ee sanadkan.

Sida uu farayo Qaraarka golaha ammaanka ee tirsigiisu yahay 2710, howlgalka ATMIS ayaa la filayaa inuu 3,000 askari ka saaro Soomaaliya, laguna beddelo ciidamada ammaanka Soomaaliya.

“ATMIS waxay higsaneysaa in mas’uuliyadda amniga loogu wareejiyo Soomaalida, kobcinta lahaanshaha waara. Tallaabadan istaraatiijiga ah waxay awood siinaysaa ciidamada Soomaaliya inay si madax-bannaan u ilaaliyaan nabadda iyo ammaanka dalkooda gudihiisa. Iyada oo lagu aaminayo mas'uuliyadaha amniga ciidamada maxalliga ah, kala-guurka ayaa doonaya in la xoojiyo awoodda Soomaaliya si ay u ilaaliso dadkeeda oo ay gacan uga geysato xasillooni waarta.” Howlgaka ATMIS ayaa sidaas ku yiri hadal oo uu soo saaray.

Tallaabada ugu horraysay ayaa la sheegay inay ka bilaabanayso in ciidamada ATMIS ay baneeyaan xarunta madaxtooyada, halkaas oo ay 16-kii sano ee lasoo dhaafay gacanta ku hayeen.

Sida uu horey u sheegay La-taliyaha Amniga Qaranka, Xuseen Macallin, Xuseen Macallin, Ciidamada Qalabka Sida ayaa si buuxda ula wareegaya mas’uuliyadda amniga Xarunta Villa Somalia oo ay deggan yihiin Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Wareejinta amniga hay'adahan dowliga ah, oo markii hore udub dhexaad u ahaa waajibaadka ATMIS, ayaa ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday geeddi-socodka kala-guurka.

Tallaabadan ayaa la sheegay inay calaamad u noqon doonto dhamaadka 16 sano oo ciidamada ATMIS Uganda ay ilaalinayeen Aqalka Madaxtooyada.