7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 17, 2023
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed oo fariin adag u diray kooxda Al-shabaab

Axad, December, 17, 2023 (HOL) - Taliyaha Ciidanka Dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle oo ku sugan jiida hore ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda gobolka Mudug ayaa shaaca ka qaaday iney dowladda ay wali fursad siineyso dhalinyarada ka barbar dagaalanta kooxda Shabaab.

Taliyaha ciidanka dhulka Dayax Cabdi oo ku sugan deegaanka Shabeeloow oo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka si buuxda u la wareegeen maalin ka hor ayaa ugu baaqay kooxda Al-shabaab iney isaga tagaan deegaanada gobolka Mudug oo uu sheegay in lagu jabiyay kooxda, islamarkaana cariirta ay soo qaldeen dib ugu celiyaan reerahooda.

"Waxaan leeyahay war gobolka ka aruursada wixii idinka yaalla kala tega waad ku jabteene, ilmaha yaryarka ah ee aad qaldeysaan oo dadkoodii aad kasoo marin habaabiseen oo aad dabka kusoo shubeysaan meesha ka qaada dadkooda u celiya intaa ayaan u direynaa Shabaab” ayuu yiri Jenaraal Dayax.

Wuxuu sidoo kale taliyaha ciidanka Dhulka amaan kala duldhacay doorka ciidanka dadka deegaanka ka qaadayaan dagaalka dalka looga xuureynayo Ururka Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka.

“Dadkaan waa diideen in la qabsado, dadkaan waa diideen in diintooda iyo noloshooda lagu cabiidiyo, waxaan leenahay aad iyo aad ayaa u mahadsan tihiin, qof walba qoraygiisa ha qaato, gobolka Mudug waan ka saareynaa nimankan canaasiirta ah” ayuu yiri Jenaraal Dayax.