7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 17, 2023
Garowe: Ciidamo ka amarqaata madaxtooyada Puntland oo la wareegay xarunta baarlamaanka
 

Axad, December, 17, 2023 (HOL) - Ciidamo ka amarqaata madaxweyne Deni, ayaa xalay saqdii dhexe la wareegay xarunta baarlamaanka Puntland ee magaalada Garowe, halkaas oo muddooyinkii ugu dambeeyay uu shir uga socday xildhibaanada baarkamaanka.

Ciidamo katirsan kuwa mariiniska iyo gaadiid dagaal oo dhowr tiro ah ayaa saaka lagu arkayaa xarunta baarlamaanka. iyadoo ay halkaas isaga baxeen ciidamadii horey u joogay xarunta baarlamaanka.

Tallaabadan ayaa loo maleynayaa inay ku sal ku hayso sidii guddiga lagu muransan yahay ee xallinta khilaafaadka iyo ansixinta xubnaha baarlamaanka, loogu wareejin lahaa xarunta baarlamaanka si ay ugu shaqeeyaan.

Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jabriil iyo xubno katirsan xildhibaanada ayaa ku adkaysanaya muddo kororsi hal sano ah oo ay meel marsadeen, inkastoo maxkamadda dastuurku laashay.

Sida aan wararka ku helayno, Guddoomiyaha baarlamaanka iyo xubnaha katirsan mucaaradka ayaa la filayaa inay ku eedeeyaan madaxweyne Deni inuu afduub kula wareegay xaruntii baarlamaanka, xilli ay xildhibaanada ku howlanaayeen inay dhameystiraan shaqooyin u harsan sida ansixinta miisaaniyadda.

Si kastaba ha ahaatee, iyadoo doorashadu ay ka harsan tahay muddo kooban oo maalmo ah ayaa laga cabsi qabaa inuu ku yimaado dib u dhac, sababa la xiriira khilaafka doorashada.