7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 14, 2023
Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo xukun ku riday masuul horay xilal uga soo qabtay dowlada
 

Khamiis, December, 14, 2023 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun ku riday guddoomiye ku xigeenkii hore ee arrimaha bulshada degmooyinka Xamarweyne iyo Hodan ee magaalada Muqdisho Abuukar Salaad Maxamuud oo lagu helay inuu la shaqeeyay kooxda Al-shabaab.

Abuukar Salaad Maxamuud ayaa la tilmaamay inuu kooxda Al-shabaab u qaabilsana dhoofinta iyo soo celinta xubnaha Al-shabaab ka dhaawacma ama xanuunsada.

"Sanadkii 2021 ka Ugunji oo Shabeelaha Hoose ah ayuu iska xaadiriyay si u bilaabo xiriirka Khawaarijta isagoo maraya horjooge ay qaraabo ahaayeen oo khawaarijta ka tirsan oo lagu magacaabo Cabdullahi Ibraahim" ayaa lagu yiri war kasoo baxay Xeer ilaalinta Maxkamadda.

Kiiska guddoomiye ku xigeenkii hore ee arimaha bulshada degmooyinka Xamarweyne iyo Hodan ayaa Garsoorka Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya uu siiyay waqti ku filan dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta Maxkamad waxay ku xukuntay Abuukar Salaad Maxamuud shan sanno oo xabsi ciidan ah.

Abuukar Salaad Maxamuud ayaa dowladda Soomaaliya kasoo qabtay xilka gudoomiye ku xiggeenka arimaha bulshada degmooyinka Xamarwayne iyo Hodan ee magaalada Muqdisho sanadahii 2014-2019.