7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 14, 2023
Ciidanka dowladda oo la wareegay Saldhig weyn oo Al-shabaab ku laheyd gobolka Mudug
 

Khamiis, December, 14, 2023 (HOL) -Ciidamada dowladda Fedaraalka oo garab ka helaya kuwa dadka deegaanka ayaa maanta howlgal qorsheysan kula wareegay Saldhig weyn oo kooxda Al-shabaab ku laheyd buurta lagu magacaabo Badbad oo ku taala Koonfurta gobolka Mudug.

Kooxda Al-shabaab ayaa Buurta Badbad ku laheyd Saldhig weyn oo ay kasoo abaabuli jirtay weerarada ay ka geysato qeybo ka mid deegaanada gobolka Mudug ee maamulka Galmudug.

Abaanduulaha guutada 18-aad ee ciidanka Gorgor Gaashaanle Cabdi Maxamed Suulnuug oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in ciidamada is kaashanaya ay wali baacsi kusii hayaan firxadka xubnahii Shabaabka ahaa ee isaga cararay Saldhigoodii Buurta Badbad.

“Saldhigyadii aan ka saarnay Khawaarijta ee ku yaala Buurta Badbad iyo dhulka howdka ah waxaan ugu tagnay Lafo dad, godad waaweyn iyo taliskii Caafimaadka ee Khawaarijta oo meydad dhex yaalaan, ma aheyn meel qof shacab ah tagi karo oo waxay aheyd dhul howd ah oo ay ku dhuumaaleysan jireen Khawaariijta” ayuu yri Abaan duulaha 18-aad ee Gor gor Cabdi Maxamed Suulnuug.

Howlgalkaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo saacadahii lasoo dhaafay ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya saaxiibada Caalamiga ah duqeyn dhanka cirka ah ay ka fuliyeen deegaanka Baraag Cali Gaduud oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Xarardheere, waxaana dowladdu ay sheegtay in duqeyntaas lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab.