7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 14, 2023
Xubno ka tirsan al-Shabab oo lagu dilay duqeyn ka dhacday gobolka Mudug


Khamiis, December, 14, 2023 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada Caalamiga ah ayaa howlgal khasaare lagu gaarsiyay kooxda Al-shabaab ka sameeyay deegaanka Baraag Cali Gaduud oo ka tirsan gobolka Mudug.

Howlhalka ciidamada iskaashanaya ka fuliyeen deegaanka Baraag Cali Gaduud oo degmada Xarardheere ee gobolka Mudug qiyaas ahaan 31 KM dhanka koonfureed kaga beegan ayaa ahaa duqeyn dhanka cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday gaadiid ay wateen horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegeen in howlgalka lagu gubay laba gaari, islamarkaana lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Saraakiisha ciidanka dowladda ee la hadashay warbaahinta Qaranka ma aysan shaacin tirada horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab looga dilay howlgalka duqeynta ah ee ka dhacay deegaanka Baraag Cali Gaduud ee gobolka Mudug.

Deegaanka Baraag Cali Gududuud ayaa ka mid ahaa deegaanada fara ku tiriska ah ee wali ku harsana gacanta kooxda Al-shabaab ee ku sugan gobolka Mudug.