7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 14, 2023
Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay kiiska shilka ee uu ku lug leeyahay wiilkiisa

Khamiis, December, 14, 2023 (HOL) -Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in wiilkiisa uusan ka soo cararin dalka Turkiga, kaddib markii shil geystay dhimasho uu ku galay magaalada Istanbul, waxaana uu intaa ku daray in uu wiilkiisa kula taliyay in uu dib ugu laabto oo uu isku soo taago maxkamad.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siinayay wakaaladda wararka ee AP ayaa u sheegay in wiilkiisa oo 40 jir ah, oo dhaqtar ah uu muddo maalmo ah kusii sugnaa goobta uu shilku ka dhacay ee magaalada Istanbul.

“Wuxuu ahaa shil. Muu cararin, ee waxa uu u qabsaday qareen u doodaya,” ayuu yidhi Madaxweynaha oo intaas ku daray in aanu jirin wax amar ah oo lagu xirayo wiilkiisa.

Wuxuu sheegay madaxweynuhu wiilkiisu inuu ganacsi ku leeyahay dalka Turkiga.

"Waxaan kala hadlayaa inuu dib ugu laabto oo uu horyimaado maxkamadda. Laakiin wiilkayga waa nin weyn, "go'aankiisana isaga ayaa iska leh - laakiin taladaas ayaan siinayaa," ayuu raaciyay.

Madaxweynaha ayaa u tacsiyeeyay qoyska Gocer.

"Waxaan rabaa inaan fursadan uga faa'iidaysto inaan tacsi u diro qoyska Gocer, oo aanan garanayn si aan ula xiriiro. Waxaan la wadaagayaa murugada geerida wiilkooda.

"Waxaan sameyn doonaa wax walba oo aan awoodo si aan u xaqiijiyo in wiilkeyga uu ixtiraamo sharciga Turkiga, uuna hor istaago maxkamadaha dalka Turkiga," ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya oo wareysigaas ku sheegay xarunta Qaramada Midoobay, halkaas oo uu kusoo bandhigay qorshaha amni ee dowladdiisa.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa ugu dambayn sheegay inuu Turkigu yahay dal dal walaal la ah Soomaaliya, islamarkaana uu ixtiraameyo shuruucda iyo caddaaladda iyo nidaamka garsoor ee dalkaas.